U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Mamnuucay In La Qodo Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ku dhowaaqay in gabi ahaanba ay mamnuuc tahay in la qodo waddooyinka magaalada Muqdisho sida laamiyada iyo jid cadayaasha.

Kulan maamulku isugu yimid ayaa lagu sheegay in dambi ay tahay haddii la qodo waddo la dhisay ama sidoo kale waddo ay bulshada isticmaasho.

Afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo saxaafadda la hadlay, waxa uu sheegay in la amray maamullada degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale taliska ciidamada Booliiska ee degmooyinka Muqdisho, lana soo qaban doono shirkad walba oo isku dayday in ay ku xad gudubto ammarkaasi.

“Waddooyinka la jeexayo, waxaad arkeysaa qolooyin shirkad ah oo markii la hurdo Sagaal Saac intey burus qaataan laamiga baabi’inaya ama jid cadihii jeexaya, waa la amray guddoomiyaha degmada, Taliyeyaasha wey amran yihiin, agaasinka howshaasi ku shaqada leh waa la armay, waddooyin lama jeexi karo, baalana lama suri karo”

Waxaa jira shirkado ku sugan magaalada Muqdisho oo marar badan burburiyey qeybo kamid ah laamiyada Muqdisho ee dhowaan dib u habeynta lagu sameeyey.

Goobjoog News