U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Shacabka Ka Dalbaday Wada Shaqeyn Amni

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan in lagu soo wareejiyo ka maamul ahaan amniga magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha inay u baahan yihiin askartii iyo hubkii amniga magaalada Muqdisho ku xaqiijin lahaayeen, isaga oo tilmaamay inta taasi laga helayo in loo baahan yahay in maamulka gobolka Banaadir iyo hay;adaha amniga ay iska kaashadaan sugidda amniga Muqdisho.

“Waa arrin fursad u ah shacabka gobolka Banaadir oo mar Labaad gacantiisa kusoo laabatay amnigii gobolka Banaadir iney iyaga sugaan, waxaan ugu baaqeynaa doorkooda muhiimka ah iney qaataan, ciidanka Booliiska ee heer gobol waxaan ka codsaneynaa inay shacabkooda u adeegaan, arrinkaasi ayuu ahaa muhiimaddiisu waana laga wada hadalay qorshahaasi waa uu socdaa oo weli ma dhammaan, illaa askariga Booliiska magaciisa iyo qorigiisa looga soo wareejiyo maamulka gobolka Banaadir, waxaan rajeyneynaa in la gaaro kol dhaw, inta ka sokeysana waxaan rabnaa inay wada shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo gobolka sidii horayba u wada shaqeynayeen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa digniin u diray dadka qaar ee xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho si ammar la’aan ah, waxaana uu sheegay inay tallaab ka qaadi doonaan ciddii aan kusoo wargelin maamulkooda oo waddo xirata.

“Meel la xiri karo ma jirto illaa gobolka Banaadir uu ka ogyahay, degmooyinka waxaan u sheegeynaa inay kormeer ku sameeyaan oo ay ogaadaan meelaha la xiray ama hadda la xirayo waa in laga joojiyaa illaa fasax laga siiyo” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale ayaa imaanaya xilli horay looga digay iska xirashada waddooyinka Muqdisho, dhinaca kalena amniga Magaalada lagu wareejiyay maamulkani.

Goobjoog News