U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Wax Badan Ay Ka Qabteen Burburka Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen wax ka qabashada qaar ka mid ah waddooyinka burbursanaa ee magaalada Muqdisho iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la dhisay waddooyin burbursanaa kuwo kalena haatan ay dib u dhis ku wadaan.

Waxa uu tilmaamay in qorshahooda uu yahay in la dhiso guud ahaan waddooyinka Muqdisho si bulshada u hesho meel nafiid ah, fududaata isku socodkooda iyo wixii la mid ah.

“Annaga waxay noo tahay muhiimad gaar ah inay dhismaan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaa dhisaya shirkad Soomaaliyeed oo xirfad u leh dhismaha waddooyinka, waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan meel nafiid ah oo ay maraan, bilicda magaalada lasoo celiyo, sidoo kalena la helo hooyada uurka leh markii ay foosha qabato waddo nadiif ah oo la marsiiyo” ayuu yiri C/casiis Cilmi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa aad ugu howlan dib u dhiska waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana horay maamulka ugu dhawaaqay mashruuc la yiraahdo Hal doolar dalkaaga ku dhiso.

Goobjoog News