U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Soo Saarey Qodobo Cusub (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MuungaabWaxaa maanta kulan yeeshey guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo ay tahay in durba la hawlgaliyo.

Qodobada waxaa ka mid ah bilaabista olole balaaran oo nadaafadda ah, dib u dhiska suuqyada iyo hawlgalintooda, jarista dhirta sida qaldan u baxday , isu celinta hantida la kala heysto, dardar galinta hawlaha dariseynta, tirakoobka guryaha xaafadaha iyo waliba ka hortagista waraaqaha been abuurka ah sida kuwa lahaanshiyaha guryaha iyo shahaadooyinka.

Hawlahan oo dhamaantood ah kuwa horey uu hadal heyn jirey maamulka ayaa waxaa hadda la doonayaa in dib looga hawlgalo, islamarkaasina la dardar galiyo.

 

Dhageyso

Goobjoog News