U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo waax cusub u furay degmada wadajir

Sheeko:War

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray xarunta waaxda Jeneraal Daa’uud ee degmada Wadajir.

Munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Wadajir waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada Wadajir.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed aadan Caana Geel oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay furitaanka waaxdan ayaa shacabka Wadajir u sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay waaxdan cusub.

Caana Geel ayaa sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan ay gunnooyin siin doonaan guddoomiyaasha waaxaha iyo laamaha degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waaxyo cusub u magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir.