U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Waddooyin Cusub Dhisaya 2017-ka

Sheeko:War

Maamulka gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaa ay sheegeen iney waddooyin cusub dhisi doonaan sanadkan 2017-ka.

Kulan Saxaafadu dib joog ayka aheyd Ayaa Ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar, Waxaana uu dhexmaray gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo 17,Degmo Ee gobolkan Gudoomiyaasha Maamulka ugu Magacaaban.

Qodobadda Shirka looga Hadlay waxaa kamid ahaa in Sanadkan Billowga ah Ee 2017-ka mar kale Maamulka gobolka Banaadir uu u Bilaabo dhisme iyo dayactir lagu sameeyo Wadooyinka Muqdisho.

Waxaa kale oo ku jiray qodobadda shirka Adkeynta Amaanka goobaha Doorashooyinka, Si looga hortago In Falal Amaan Daro ay dhacaan Xilliga doorashada.

CabdiFitaax Cumar Xalane Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta la hadlay Markii kulanku Soo idlaaday.

‘’kulanka Maanta qorshayaasha looga hadlay waxaa kamid ahaa in Amaanka goobaha doorashooyinka la adkeeyo lana sii xoojiyo bixinta Canshuurta maadaama la galay sanad Cusub, Waxaa kale oo si weyn looga hadlay in Sanadka Cusub la bilaabo dhisme iyo dayactir kagu sameeyo qaar kamida Wadooyinka muqdisho.’’

Maamulka Gobolka Banaadir Marka laga Tago in Maanta uu ku dhawaaqay qorshahan dib loogu dhisayo Wadooyinka Muqdisho Hadana Waxaa jira Wadooyin la dayac tiray oo u xiran Isla Maamulka Gobolka Banaadir, DFS iyo Shaqsiyaad Gooniya.

Horay Maamulka Hada Jooga Waxa uu u dhisay Wafdooyin cusub oo Helay Dayactir Wanaagsan oo Marinkii Wadooyinkaas ayaa Hada ka duwan Qaabkii Hore.

Goobjoog News