U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir: Waa La Hakiyey Caymiskii Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in la hakiyey lacagihii caymiska ahaa ee laga qaadayey gaadiidka kadib cabasho ay sameeyeen darawallada gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka uu tixgeliyey cabashadii shalay ay sameeyeen gaadiidleyda islamarkaana la hakiyey howlihii Caymiska.

“Waad aragteen in uu banaanbax dhacay oo ragga gaadiidka dadweynaha gadood sameeyeen, waxaan rabaa inaan sheego in wixii ay ka cabanayeen ee Caymiska la hakiyey oo aan u sheego in la tixgeliyey cabashadooda iyo isku soo baxooda” ayuu yiri Afhayeen Xalane.

Shalay gaadiidleyda Muqdisho gaar ahaan kuwa dadweynaha ayaa shaqo joojin iyo dibadbaxyo sameeyey, kadib markii ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacag lagu sheegay Caymis.

Waxay sheegeen gaadiidleydan in shirkadda Caymiska ee Takaful ay usoo martay dhanka dowladda si waajib looga dhigo iney bixiyaan lacago caymis ah, inkastoo madaxda shirkaddaasi aaney si toos ah uga jawaabin eedeyntaasi loo jeediyey.

Goobjoog News