U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Waxaa Horyaalla Howl Natiijadeedu tahay Guul ama Guul-darro

Sheeko:Dalka

Gobolka Banaadir ayaa sabtidii ka la wareegay hay’adda sirdoonka qaranka gacan ku haynta amaanka gobolka Banaadir, arrintaas oo dad badan ay su’aal iska weydiiyeen.

Amniga magaalada ma aha mid la isku haleyn karo xilligan, ma jirto caasimadda meel amaan ah, dadka waxaa maalin walba loo dilaa sabab iyo sabab la’aan, qaraxyada waxaa ay dhacaan saacad walba iyo meel walba, rayidka waxaa lagu laayey xeebta, waxaa lagu qarxiyay diyaarad hawada socota, iskaba daa inta Hotel ee la weeraray sanadkan cusub.

Haddaba sida ku cad tirakoob aan sameynay dambiyada iyo dilalka ka dhacay gobolka Banaadir labadii bil ee sanadkan ugu horeeyay  waxaa ay ka badan yihiin dilalkii dhacay sanadkii tagay bilihii January iyo February 2015-kii.

Sanadkan bishii ugu horeysay ee January 2016-ka waxaa gobolkan Banaadir lagu dilay in ka badan 40 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 60 qof.

Dadka ay bishii January 2016-ka dhibaatada soo gaartay waxaa ugu badnaa : saraakiil ka tirsan dowladda, Weriyaal lagu weerary The Village, Soomaali Turkiga u shaqeysa oo la dilay, duqeymo loo geystay Wardhiigley iyo shacab aad u badan oo lagu laayey xeebta Liido.

Bishan February 2016-ka, dhibaatadeeda ma ahayn mid yar, waxaa gobolkan ku dhintay in ka badan 45 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 55 qof.

Dhibaatooyinka bishan dhacay waxaa ka mid ah: Weerarkii ugu dambeeyay ee loo geystay Hotel-ka SYL, shacab siyaabo kala duwan loogu dilay deegaano ay ka mid yihiin: Dayniile, Waaberi, Suuq Bacaad, Wadajir, hoobiyeyaal ku soo dhacay Wardhiigley iyo qaraxii naxdinta lahaa ee diyaaradda Daallo.

Haddaba Sanadkii hore bishii January 2015-ka, Waxaa Banaadir lagu dilay 13 qof halka lagu dhaawacay 5 qof, dhacdooyinkii ugu waaweynaa waxaa ay ahaayeen:  NISA oo lagu qarxiyay agagaarka Afisyooni iyo dhibaatooyin kale.

Bishii February 2015-ka Waxaa Banaadir lagu dilay 35 qof halka dhaawaca uu gaaray ilaa 22, dhacdooyinka ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: Qarax ka dhacay Central Hotel oo ay ku geeriyoodeen Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel) iyo Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) iyo dilkii 4 sarkaal oo ka tirsanaa Airportiga Muqdisho oo lagu dilay agagaarka KM 4.

Haddaba iyadoo xaaladda amaan ay sidaa tahay ayaa sabtidii amaanka gobolka lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo kala wareegay hay’adda sirdoonka qaranka ee loo yaqaano”NISA”.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tarsan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aragti ahaan ay aad ula qaldan tahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo amniga magaalada Muqdisho, taasi oo uu ku micneeyay inay tahay mas’uuliyad qaawan oo aan awood la socon.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Tarsan in NISA ay gacanta ku hayso amniga gobolka Banaadir, haatanna aysan sax ahayn in amniga lagu haleeyo maamulka gobolka Banaadir.

“NISA ammaanka Gobolka banaadir iyadaa haysata hadana waxaa la leeyahay gobolka bay ku wareejineysaa hade sax ma ahan, sababtoo ah NISA waxay rabtaa inay qaadato awood aan mas’uuliyad wadin, awooddii iyagaa haysanaya mas’uulna kama nihin inay dhahaan bay rabaan oo guddoomiyaha gobolkaa mas’uul ka ah, guddoomiyahii gobolkana waxaa la rabaa in loo dhiibo mas’uuliyad qaawan, arrintaasi waa mid qatar ah, shacabka Soomaaliyeed yey berri la xisaabtamayaan, gobolka muxuu wax ku qaban ma ciidan buu leeyahay, dhaqaale miyuu haystaa, sirdoon miyuu leeyahay, marka waa arrin qatar ah shacabka isaga oo baylah ahaa ayaa baylah laga sii dhigayaa, waxay dowladda rabtaa inay tiraahdo amnigiinna mas’uul kama nihin”

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa mar uu ka hadlayey amniga faraha kasii baxaya ee Muqdisho ayuu sheegay in aanu jirin cid mas’uul ka ah amniga gobolka, sheegayna in dadkii dhan ay wada noqdeen siyaasiyiin.

“Amniga gobolka in faraha uu kasii baxo waxaa keenay qof mas’uul ka ah amniga gobolka ma jiro, dadkii dhammaa waxay wada noqdeen siyaasi, Jeneraalkii waa siyaasi, saraakiishii waa siyaasi, madaxweynaha ayey saacad walbo dul taagan yihiin, waddankii waa iska beylahay, magaaladii waa baylah, meeshaan ciidan toos u wada dagaallaya ma jooga, meeshaan waxaa lagu dagaallamayaa sirdoonka, waxaa naga xooggan sirdoonka ay wataan qolodaan cadowga ah, mas’uuliyaddii baa faraha ka baxday cid lagula xisaabtamayo malahan”

Tarsan ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Federaalka ay xilligaan aad ugu mashquushay Hiigsiga 2016, taasina ay keentay in amnigii dalka uu faraha ka baxo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha Hay’adda nabad sugidda qaranka C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu mas’uul ka noqon doono amniga magaalada Muqdisho, islamarkaana haddii degmo ka mid ah magaalada ay dhibaato ka dhacdo su’aallo laga weydiin doono guddoomiyaha degmadaasi, illaa shaqsiga mas’uulka ka ah laanta degmadaasi.

Mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejiyay gobolka Banaadir waa mid aad u adag, waa mid natiijadeeda ay noqon doonto Guul ama Guul-darro, wax qabad ama wax qabad la’aan, mid lagu faa’ido ama mid lagu khasaaro, shacabka waxaa ay sugayaan bal waxa iska bedela amniga iyo in gobolka Banaadir uu qabto shaqo ay dad kale qaban waayeen.

Goobjoog News