U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banadir oo Ka Shiray Arrimaha Maareynta Dhulka

Sheeko:Amniga
Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guurre ayaa guddoomiyey kulan labo geesood ah oo dhex maray guddiga ku meel gaarka ah ee loo xilsaaray in ay ka soo tala bixiyaan shirkadda loo igmaday Maareynta Arrimaha Dhulka iyo Khubarro ka socotay Shirkadda.
Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay khubarada mataleysay shirkadda qorshahooda ku aadden nidaaminta iyo maareynta arrimaha dhulka, ilaalinta xogta dhulka oo digital ah iyo curinta qorshaha qaabeynta magaalooyinka.
Sidoo kale, waxa ay si faah – faahsan uga war – bixiyeen meelaha kala duwan ee ay howshan mid la mid ah ka soo fuliyeen haddii ay noqon lahayd gudaha Soomaaliya (Puntland iyo Jubbaland) iyo dibaddaba (Ethiopia & Kenya).
Ugu danbeyntii, kulanka waxaa la isku af – gartay in la isugu yimaado kulan mustaqbalka- dhow si loo gorfeeyo howshan hortabinta leh ee fulinta u baahan, kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo muddoooyinkii dambe Maxkamdaha gobolka ay kusoo laablaabteen muranada dhulka la xiriira.
Goobjoog News