U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo AMISOM Oo Ka Shiray Fatahaadda Wabiga Shabelle Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolkaasi ayaa yeeshay kullan ballaaran oo looga hadlayey fatahaadda Wabiga Shabelle uu ka geystay magaalada Baladweyne iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ka barakacay fatahaadaasi.

Kulankaan oo ka dhacay deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Baladweyne ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Korneel Xasan Jaamac oo ah taliyaha ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo waxa ay ka qaban doonaan ka AMISOM ahaan.

Waxa uu tilmaamay in ka AMISOM ahaanay diyaar u yihiin inay qaataan kaalintii kaga aadaneyd wax ka qabashada fataahadda iyo sidoo kale wax u qabashada dadka kasoo barakacay fatahaadaasi.

Taliyaha ayaa ugu baaqay hay’ada samafalka ah in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan shacabka kasoo barakacay fatahaadda wabiga Shabelle.

Cumar Aadan Deeqow oo ah duqa Baladweyne ayaa sheegay in dadka ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle ay gaarayaan tiro ahaan 5 kun oo qof kuwaasi oo xaalad adag ay hayso.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne, waxaana ka barakacay fatahaaddan shacab badan.

Goobjoog News