U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Hay’adaha Samafalka Ah Ugu Baaqay Inay u Gurmadaan Shacabka Buuloburde

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ah inay gurmad xooggan gaarsiiyaan shacabka ku dhaqan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Afhayeeenka maamulkaasi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Goobjoog News isaga oo ku sugan degmadaasi ayaa sheegay in amni ballaaran uu ka jiro degmada Buuloburde dadkuna u baahan yihiin inay helaan gargaar dhan walbo leh.

Waxa uu tilmaamay in hay’adaha samafalka ah aysan ka walwalin amnigooda oo uu sheegay in guud ahaan degmada Buuloburde tahay mid la isku haleen karo.

“Degmada Amnigeeda aad buu u wanaagsan yahay, adiga oo aan wax ciidan ah wadan ayaad meesha aad rabto ka seexan kartaa, hay’adaha samafalkana waxaan leenahay kaalaya oo u gurmada shacabka ku dhaqan degmada” ayuu yiri Afhayeenka.

Xarakada Al-shabaab ayaa xirtay inta badan waddooyinka gala Degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana degmadaasi ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News