U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Fekeraya In B/weyne Laga Saaro Xaasaska Iyo Carruurta Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Cali Jeyte Cismaan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee gobolkaasi, waxaana ugu horreyn uu soo hadal qaaddey howlgallo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen deegaanno kamid ah Hiiraan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in howlgalkaan ay kusoo qabteen dad badan oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 20 qof, islaamarkaana baaritaanno lagu hayo.

“Ciidamada waxay howlgallo ka sameeyeen gobolka Hiiraan, gaar ahaan caasimadda gobolka ee B/weyne, waxaa howlgalkaan sameeyey ciidanka xoogga dalka, waxayna soo qabteen 20 qof oo laga qabo shaki badan, guddi baaris ah ayaa ku maqan oo soo kala saari doono, haddii shacab ku jiraan dadkaasi waa lasii deyn doonaa, dhagar qabo haddii uu ku jirana sharciga ayaa la horgeyn doonaa, howlgalkana waa uu sii socon doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in mamnuuc ay ka tahay gobolkaasi, gaar ahaan magaalada B/weyne in lagu heysto hub aan sharci ahayn, wuxuuna shacabka ugu baaqey ineysan kahor imaan ammarada maamulka gobolka.

“Waxaa mamnuuc ah heesashada hubka sharci darrada ah, ciddii kahor timaada ciidankaasi howlagalaya oo isku dayda iney la dagaalanto waxaan u aqoonsaneynaa cadowga aan raadineyno, waxaan shacabka uga digeynaa qoriga lagaa qaaday haddaad qof muslim ah tahay ma lumayo, laakiinse sharciga ayaa lagu marin doonaa, dadka howlgalka wada tuugo ama burcad ma ahan, waa ciidan Soomaaliyeed, waa walaalahaa, qoriga haddii lasoo qaado oo aadan dhagar qabe ahaan nidaam baa la marsiin doonaa” ayuu hadalkiisa ku darey guddoomiye Jeyte.

Dhinaca kale guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay xaasaska Al-shabaab iyo carruurtooda ay joogaan magaalada B/weyne, islamarkaana ay ka fekeri doonaan in magaalada ay ka saaraan si isku meel ay u mariyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan la socdaa nimankaan la yiraahdo Al-shabaab dumarkooda iyo Ilmahooda waxay dhooban yihiin B/weyne waana naqaanaa, iyagana maalin walbo annaga ayeey na gaadaan, askarta ayeey dhameeyaan iyo qaraxyo ayeey sameeyeen, waxaan ka fekeri doonnaa iyagu dadku wey gumaadaane, laakiinse in dhinac aan isla marin doonno iyaga, ilmahooda iyo xaasaskooda, ma dhici doonto in xaasaskooda iyo carruutooda magaalada joogaan, habeenkiinna ay naga dilaan askarta, haddii ay buuraha ku jiraan waxaan uga dabgeyneynaa buuraha, ma dhici doonto in habeenkii xaasaskooda iyo carruutooda u yimaadaan, annagane na dilaan” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadeen deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah.

Goobjoog News