U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Warbixiyey Dad Loo Soo Qabtay Qaraxii Garoonka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay baaritaan ay sheegeen in lagu wado dad loo soo qabtay qaraxii dhawaan ka dhacay afaafka gore ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Qaraxaasi oo lagu soo xiray Lap top ayaa maamulka waxa uu sheegay inay soo qabteen dad arrinkaasi ku lug lahaa.

Xasan Maxamed oo ah afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno ku aadan dadkaasi lasoo qabtay iyo sidoo kale halka laga soo abaabulay.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa ka hadlay weerarkii duqeynta ahaa ee Maraykanku ku qaadeen xero lagu tababaro ciidanka Al-shabaab oo Raaso ku taalla oo uu tilmaamay in halkaasi lagu dilay askar Al-shabaab ah oo tiradoodu u dhaxeysa 150 illaa iyo 200.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkaasi duqeynta ah ay ku dileen 150 ka mid ah dagaal yahannada Al-shabaab.

Goobjoog News