U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Fuliyeen Luuqjeelow

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom gaar ahaan  dalka Jibouti ayaa howlgal kula wareegay deegaanka Luuqjeelow ee gobolka Hiiraan, kaas oo ku dhowaad 10 sano ay ku sugnaayeen Al-shabab, deegaanka ayaa sidaa uga fogeyn magaalda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan Maxamed Miirif oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in deegaanka ay howl ku qaadeen, ka dib markii habeen ka hor Al-shabab ay madaafiic ku garaaceen magaalada Baladweyne oo aan ka fogeyn deegaanka” Howlga ballaaran ayaa ka dhacay, kadib markii ay madaafiic ku soo garaaceen Baladweyne, wax saameyn ah oo ku yeesheen shacabka magalada majiraan  madaafiicdaas, waxaa jiray iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo nabaddiidka ah, dhinaceen wax khasaare ah oo naga soo gaaray majirto,  ciidamadu waa ay la wareegeen deegaankaas jawiga guud ee deegaankaas waa uu degan yahay ” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Sidoo kale isaga hadalkiisa siiwato ayuu yiri” Deegaankaas waa sidii loo tagay waana la oogi doonaa, waana laga sii qaadi doonaa howlgalka , gobolka waxaa ay kaga sugan yihiin deegaanno fara ku tiris ah, waxaana rajeynaynaa inaan mardhow aan ka xoreyno, dagaal ayaa goobta ka dhacay soday muddo hal saac ah , dadka shacabka ah way fiican yihiin wax khasaare ah oo soo gaaray majirto, wax xasilooni darro ah kama jirto dadku aad ayey u fiican yihiin’ shacabka mas’uuliyad ayaa inaga saaran tahay deegaankana waxaa uu baahan yahay qorshe ah in lagu sii nagaado oo aan dib looga soo laaban, si shacabka aysan dhib u soo gaarin”  ayuu yiri hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey guddoomiye ku-geenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan.

Deegaanka Luuqjeelow ee gobolka Hiiraan ayaa Al-shabab waxaa ay ku sugnaayeen muddo dheer, waa deegaan aan sidaa uga gogeyn magaalda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, walow aan la ogeyn in ciidamada xoogga dalka iyo Amiso in  ay ku sugnaan doonan deegaanka, maadaama horay in badan loo arki jiray in deegaan ay tagaan haddana ay dib uga laabtaan, ciidamada ayaa 22- June 2016-kii galay deegaankaan haddana dib uga laabtay .

Goobjoog News