U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Ka Warbixiyey Sababta Loo Xirey Wariye Carees

Sheeko:Dalka

wariyeAfayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kaafi) ayaa sheegey in sababta loo xirey wariye Cismaan Aadan Carees ay tahay kadib markii ay dacwad kasoo gudbiyeen ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Afayeenka ayaa sheegey in wariyahani oo ka hawlgala idaacadda la’iska arko ee Somali Channel uu baahiyey warar sheegaya in ururkii dhalinyarada gobolka Hiiraan uu burburey, markii ay arrinkaasi kala hadleena uu ku adkeystey in uu wax kasta faafin doono, xitaa haddii dowladnimada ka hor imanayaan.

Ururka suxufiyiinta gobolka Hiiraan ayaa codsaday in wariye Carees lasoo siidaayo, lagana wada hadlo sababtii lagu xirey sida uu Goobjoog u sheegey guddoomiyaha ururka Cabdirisaaq Al-Cadaala.

Dhageyso

Goobjoog News