U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Aysan Awoodin Daminta Dagaal Beeleed Ka Jira Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xiisad dagaal oo ka taagan dhanka galbeed ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Saameynta dagaal beeleedkani ayaa laga dareemayaa xaafadda howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana la soo sheegayaa in adeegyada bulshada ay hakad galeen.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News in nolosha dad badan oo shacab ah ay saameysay colaaddani.

Wuxuu ku baaqay in laga hortago dagaal beeleedka oo uu ku tilmaamay in si macno darro ah ay dad shacab ahi ugu dhimanayaan dhanka galbeed ee gobolka Hiiraan.

“ha loo midoobo ka hortagga dagaal beeleedka, maxaa yeelay qof reer Hiiraan ah hadduu macno darro inooga dhinto ma ahan wax wanaagsan, waxaa loo baahan yahay haddii aan maamul nahay heer gobol, heer degmo ama bulsho waa inaan ka feejignaanno colaaddani” ayuu yiri guddoomiye xigeenka.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in ay xakameyn waayeen dagaallada beelaha oo dhowr jeer ku soo laablaabtay magaalada Baladweyne iyo degaannada hoos yimaada.

Waxa uu ugu baaqay malleeshiyaadka dhanka galbeed ee Baladweyne isku heysta inay joojiyaan saansaanta dagaal oo ay wadaan.

Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan ayaa qiray in ciidamo ka tirsan dowladda aysan joojin galbeedka magaalada taasna ay sahasho isku dhacyada beelahani.

Ugu dambeyntii, seddexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa degaanno hoos yimaada magaalada Baladweyne waxaa ka taagnaa dagaallo qabaa’il oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News