U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Loo Gurmanayo Shacabka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku samatabixinayaan qoysaskii ku barakacay daadadka wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa u sheegay Goobjoog inay wadaan sidii dadkii barakacay dib u dejin loogu sameyn lahaa oo lagu gacan siin lahaa sidii ay magaalada dib ugu soo noqon lahaayeen.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad u dhintay gaajo intii ay socdeen dagaallada magaaladaasi kadib markii dadkaa ay go’doomiyeen fatahaadda wabiga iyo colaadda maleeshiyo beeleedka u dhaxaysay.

Sidoo kale Dabageed ayaa sheegay in fatahaadda kaliya aanay ahayn magaalada Baladweyne ee sidoo kale ay jiraan fatahaad uu wabiga ka sameeyay deegaanno kale oo gobolka Hiiraan ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta badan heshiisyada laga gaaro dagaallada qabaa’ilka uu burburo oo haddana dagaallada ay dib u billowdaan arrintaasoo uu sheegay in ay jirto masuuliyad darro dhanka dowladda federaalka ah.

Wuxuu ku baaqay in gurmad bani’aadannimo ah lala soo gaaro dadkaasi si loo yareero dhimasho laga yaabo inay dhacdo maadaama dadka qaar looga baqanayo in daryeel la’aan ay u dhintaan.

Goobjoog News