U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay Iney Furayaan Waddooyinka u Xiran Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney qaadi doonaan howlgallo ballaaran oo ay ku furayaan dhammaan waddooyinka u xiran dagaalyahannada Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolkaasi, C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa u sheegay warbaahinta in sida ugu dhaqsiyaha badan ku furayaan dhammaan waddooyinka isku xira degmooyinka iyo deegaannada gobolkaasi.

Waxa uu tilmaamayguddoomiyaha in ay rajeynayaan isku furanka ganacsi ee guud ahaan gobolkaasi.

“Waxaan rajeyneynaa in dhowaan isku furno degmooyinka iyo deegaannada gobolka Hiiraan, caadina ay kusoo noqdaan ganacsigii iyo isku socodkii degmooyinka gobolka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Sufurow ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka, islamarkaana sheegaan meel walbo oo ay Al-shabaab ku dhuumanayaan.

Goobjoog News