Maamulka Gobolka J/hoose Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinaya Degmada Afmadow

Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo gudgoomiyaha degmadaasi Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni waxaana wafdiga ka mid ahaa xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Jubbaland.

Ulajeedka ay wafdigan halkaasi u tageen ayaa ah sidii ay Afmadow uga fulin lahaayeen Lix mashruuc oo horay loo ballan qaaday in halkaasi looga fuliyo, dhammaantoodna waa kuwo horumarineed.

Guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose Cabdirashiid Gooni oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in mashruuca ugu horreeya ee laga fulinayo Afmadow uu noqon doono dhismaha xarunta degmadaasi, ayna xigi doonaan, saldhigga Booliiska Afmadow, Iskuullo iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee la kulmay wafdigani ayaa soo dhaweeyay fulinta mashruucyadan oo ay tilmaameen in muddo badan ay sugayeen.

Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaan jirin meel ay ku howlgalaan maamulka degmadaasi, sidoo kalena waxaan jirin adeegyo bulsho oo dhammeystiran.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW