U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug Oo Hay’adaha Aan Sharciga Heysan Faray Inay Isa Soo Diiwaangeliyaan

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ka si adag uga hadlay hay’ado samafal ah qaarkood oo ka howlgala degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Kulan maanta maamulka uu isugu yimaaday ayaa lagu sheegay in gobolka ay ku soo badanayaan hay’ado dhibaato ku haya degaanka.

Madaxa mashaariicda gobolka Mudug Maxamed Xasan ayaa sheegay in si sharci darro ah ay hay’adahani uga howlgalaan gobolka Mudug isagoo ku tilmaamay inay yihiin burcad hay’adeedyo.

Waxa uu sheegay madax mashaariicda gobolka Mudug ayaa sheegay in hay’adahaasi ka maamul ahaan aysan ka war heynin islamarkaana ay ka been sheegaan wasaaradaha maamulka Galmudug oo ay yiraahdaan wasaarado hebel baa naga warqaba.

“Indhaweydba waayahaan waxaa nagu soo badanaysay qolooyin la leeyahay waa hay’ado mashaariicyo bixiya, mana ahan sida ay ku joogaan sharci marka waan ka digeynaa inay sii joogaan gobolka hay’adaasi” ayuu yiri madaxa mashaariicda gobolka Mudug.

Dhanka kale, laamaha ammaanka ee gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay qeyb ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa hay’adaasi oo uu sheegay inay isbaaro u dhigteen hay’adihii gargaarka bixin jirey.

“Ciidamada ammaanka iyo hay’adahooda waa inay tallaabo ka qaadaan dadka aan sharciyadda ka heysan maamulka gobolka Mudug ee haddana sida dhuumashada ah ku howlgalaya” ayuu mar kale yiri madaxa mashaariicda gobolka Mudug ee Galmudug.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo degaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug haba ugu darnaadeene kuwa Bari ay ka jirto abaar iyo biyo la’aan baahday oo xoolaha qaar ay u baaba’een.

Goobjoog News