U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Mudug Oo Sheegay Inay Ku Raadjoogaan Raggii Dilay Guddoomiyaha Haweenka Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay dilka guddoomiyahii haweenka Puntland ee gobolkaasi oo xalay rag hubeysan ay dileen.

Gudoomiyaha gobolkaasi Xasan Maxamed  oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha ian ragga wax dilay ay haweeneydan ugu tageen bannaanka hore ee gurigeeda islamarkaana ay weydiiyeen magaceeda, markii ay u sheegtayna ay rasaas la dhaceen.

“Dhudi waxay ahayd gabar wanaagsan oo wadaniyad ah, waxay u socotay sanadkaan Xajka, rag bistoolado wata ayaa ugu yimid banaanka hore ee gurigeeda waxay weydiiyeen magaceeda kadib markii ay u sheegtay wey dileen, weyna baxsadeen, hadda annaga waxaan wadnaa howlgallo baaraitaan ah oo ah oo aan ku daba soconnao araggii dilkaasi ka dambeeyay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka magaca ku leh bulshada, waxaana bishii tagtay magaaladaasi lagu dilay ganacsade caan ah.

Goobjoog News