U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Nugaal Iyo Ganacsatada Garoowe Oo Isla Gartay Wax Ka Qabashada Isbedalka Sarifka Lacagta Doolarka

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Nugaal iyo ganacsatada Magaalada Garoowe ayaa xal ka gaaray sicir barar ka jiray suuqayada magaaladaasi taasi oo saameysay dadka shacabka ah.

Ganacsatada Suuqa weyn ee Garoowe ayaa maalmahan dambe waxay aad uga cabanayey qiimaha lagu sarifo lacagaha Doolar, waxaana taasi ay keentay in ganacsatadu ay si iskood ah u xiraan xarumahooda ganacsi.

Shalay waxaa Garoowe ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay sameeyeen ganacsatada suuqa Inji, waxaana ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen dad badan oo ka mid ah ganacatadaasi qaarkoodna la jirdilay.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa arrintaasi soo farageliyey, waxaana ganacsatada Suuqa Inji markii dambe laga dhaadhiciyey in wax walbo la xalinayo islamarkaana wax laga qaban doono qiimo kororka ku yimid sarifka doolarka.

Dib ayaa loo furay xarumihii ganacsiga magaalada Garoowe, waxaana la filayaa in sarifka doolarka sidiisa hore lagu soo celiyo.

Goobjoog News