U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Oo Ka Hadlay Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab Ee Ka Socda Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa ka hadlay dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee maalmahan dambe ciidanka dowladda Federaalka ka wadaan gobolkaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa tacsi ka diray askartii dowlada Soomaaliya kaga geeriyootay dagaalkii ka dhacay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen dagaalkii Ruunirgood islamarkaana khasaare ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar uu Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe soo hadal qaaday howlgaladaan iyo ulajeedkooda ayuu sheegay in uu yahay wejigii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga saarayo dhammaan deegaannada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ka wadaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

2-dii bishan weerar ciidanka Al-shabaab kusoo qaadeen degmada Ruunirgood oo isla 1-dii bishan laga qabsaday ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News