U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Oo Biyo Dhaamin Ka Billaabay Tuulooyin Hoostaga Afgooye

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa biyo dhaamin ka billaabay Tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye, kuwaasi oo ku teedsan Wabiga Shabelle oo dhawaan biyo yareeyay.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Shabellaha Hoose Cumar Carabey ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda ay biyo dhaamin ka sameeyeen 5 Tuulo oo hoostaga degmada Afgooye, ayna qorsheynayaan in 14 Tuulo ay biyo dhaamintaan gaarsiiyaan.

Tuulooyinka biyo dhaaminta laga billaabay ayaa kala ah, Balbaleey, Aw-gooyo, Dhajalaq, Lambaluul, Adaliyow iyadoo deegaannadaasi uu saameeyay biyo yareenta Wabiga Shabelle.

“Waxaa inoo qorsheesan in 14 tuullo aan booyado biyo ugu geynayo maadaama dadkii xaaladooda ay adag tahay, wabigii ay biyaha ka cabi jireenna biyo la’aan yahay, illaa uu Wabiga Shabelle kaga soo noqdo sidiisa hore waan wadeynaa biyo dhaaminta” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka Shabellaha Hoose ee dhanka arrimaha bulshada.

Wabiga Shabelle oo biyo yareeyay ayaa saameen ku yeeshay dhammaan deegaannada dalka uu kasoo maro, waxaana jirta dad badan oo hadda u baahan gurmad biyo ah in loo geeyo.

Goobjoog News