U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Sh/Dhexe: AlShabaab Odoyaal Ayey Ka Kaxeysteen Deegaanka Gamboole

Sheeko:Dalka

Lataliyaha Gudomiyaha Sh/dhexe  Cali Cusmaan Ciideed ayaa sheegay in 10 ka mid ah Odoyaasha gobolka ay Alshabaab ka xeeysteen deegaanka Gamboole.

Cali Cusmaan Ciideed oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu inraa raaciyay in Odoyaasha loola dhaqaaqay deegaanka Shaaw ee ku yaall waqooyiga gobolka Sh/Dhexe .

Ciideed ayaa sababta Odoyaasha ay Alshabaab u xireen ku sheegay in ragga la xiray ay ka gaddoodeen dhibaato uu sheegay in Alshabaab ay ku hayaan dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka ayuu sidoo kale sheegay in ay wadaan dadaallo lagu sugayo ammaanka gobolka, loogana saarayo Alshabaab deegaannada ay weli heystaan.

Goobjoog News