U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Sh/hoose Oo Shacabka Gobolkaasi Ka Dalbaday Wada Shaqeyn

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in aanay nabad imaan karin haddii aanay shacabka gobolkaasi ka shaqeyn is dhexgalka iyo wada shaqeyn ay la yeeshaan maamulkooda.

Guddoomiyaha gobolkaasi Ibraahim Cali Aadan ayaa sheegay in aysan meesha ka muuqan kaalintii shacabka Shabellaha Hoose aanay muuqan si loo helo amni waara iyo horumar.

“Maamulka gobolka Guud ahaan ma shaqeyn karno illaa bulshada inoo aqoonsato inaan nahay hormuudkooda rasmiga ah, ma ahan in maamulkiina shaarar kale aad u gelisaan, bulshada gobolka waxaan ka codsanayaa inay is cafiso gacantana is qabsato oo hal ay noqdaan”

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in ay ka shaqeeyaan is dhexgalka bulshada si meesha ay uga baxdo dhibaatooyinka hadda gobolka ka jira.

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa marar badan ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, waxaana taasi ay keentay in la waayo is dhexgalkii bulshada.

Goobjoog News