U bood dhigaalka

Maamulka Goofgaduud Buurey Oo Ka Warbixiyey Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey dagaal ay saakay deegaankaasi ku qabsadeen Al-shabaab.

Xasan Biyow Isaaq oo ah guddoomiyaha deegaankan ayaa sheegay in Al-shabaab ay gubeen xaruntii degmada ayna qaateen qalabkii yaallay isbitaalkii ku yaallay deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay soo qaadeen Al-shabaab weerar lama filaan ah saakay aroortii, ayna deegaankaasi la wareegeen, balse ay ciidanka xoogga dalka dib halkaasi weerar ugu qaadeen oo ay ka saareen Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in uu jiro khasaare soo gaaray dhanka Al-shabaab, balse dhankooda waa uu ka gaabsaday.

Xaaladda deegaanka Goofgaduuud Buurey ayaa ah mid deggan, iyadoo laga dareemayo saameynta dagaalkii saakay ka dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News