U bood dhigaalka

Maamulka Goofgaduud Ee Baay Oo Sheegay In Al-shabaab Kala Wareegeen Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ku dhow deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegankan Maxamed Aadan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan,  islamarkaana ay qaadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga Goofgaduud, islamarkaana ay ku sugnaan doonaan.

“Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sameeyey howlgallo qorsheysan, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr ah iyo meello ay ku sugnaayeen nabad diidka, khasaarena waa lasoo gaarsiiyey”

Guddoomiyaha ma aanu sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News