U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan: Dowladda Ayaa Mas’uul Ka Ah Dib u Dhaca Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay dib u dhaca shirka jowhar ee maamul u sameynta Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo u waramayey Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyey ee Goobjoog FM ayaa sheegay in maamulka Hiiraan uu kasoo baxay waajibkii ka saarnaa shirkaasi.

Wuxuu sheegay in ergada gobolka Hiiraan ay geeyeen magaalada Jowhar, balse aan meesha lagu arag ergadii Shabeellaha Dhexe.

“Annaga waan dadaalnay, aniga iyo guddoomiyaha gobolka waxaan geynay Jowhar ergadii shirka ka qeybgali lahayd, hase ahaatee dhibaatada ayaa ah in reer Shabellaha Dhexe ergadooda aanay meesha joogin, dowladda ayaana mas’uul ka ah dib u dhaca shirka Jowhar” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan.

Shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaan u socon sidii loogu talo galay, waxaana jirta waxgarad ku sugan magaalada Baladweyne oo shirkaasi diiddan.

Goobjoog News