U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo B/weyne Ka Bilaabay Dhismaha Waddooyin Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi ka bilaabay dhismaha waddooyin muhiim ah oo dhexmara magaaladaasi.

Duqa degmada B/weyne Cumar Aadan Ibraahim oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda meel gabagabo ah ay marayso dhismaha wadada dhexmarta magaaladaasi.

Waxa uu sheegay sidoo kale in maamulka gobolka uu qorsheeyey in markii dhismaha wadadan ay dhammaato sidoo kale lagu dari doono waddooyin kale oo aad u muhiim ah.

“Hadda waxaa meel gabagabo ah maraya dhismaha wadada dheer ee dhexmarta magaalada, markii ay dhamaatana waxaa xigi doona waddooyin kale sida uu qorsha yahay” ayuu yiri duqa B/weyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa horraanta bishii January 2017 kaga dhawaaqay magaalada B/weyne qorshe lagu dhisayo waddooyinka magaaladaasi, kaasi oo ay ugu magic dareen ku dhiso 1 doolar.

Goobjoog News