U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan “Waan u Diyaar Garownay Marti Gelinta Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe”

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen marti gelinta shirka maamulka loogu sameynayo gobalkaasi iyo Shabellaha Dhexe, si loogu qabto magaalada Baladweyne.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen halkii shirka lagu qaban lahaa.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ay diyaar u yihiin sidii ay ku marti gelin lahaayeen shirkaasi, islamarkaana guud ahaan magaalada oo dhan laga dareemayo isbedal dhan walbo leh.

“Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne aad ayeey isugu diyaariyeen marti gelinta shirka maamulka loogu sameynayo Labada Gobal, waxaan kaloo annaga diyaarinay halkii lagu qaban lahaa shirka, sidoo kale waxaan diyaarinnay ururada Haweenka iyo Dhalinyarada  oo kaalin ka qaadan doona soo dhaweynta martida” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ammaanka guud ee magaalada Baladweyne aad loo adkeeyay, islamarkaana habeen iyo maalin ay ciidamada dowladda wadaan sugidda amniga guud ee magaalada.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu furmo shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, inkastoo weli aan la’isku raacin halka shirka lagu qaban doono.

Goobjoog News