U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan: Wuu Dhammaaday Dagaal Beeleed Dambe Oo Ka Dhaca Gobolka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu dhammaaday dagaal beeleed dambe oo ka dhaca deegaannada gobolkaasi, kadib markii ay sheegeen in dedaal badan ay ku bixiyeen sidii ay beelaha Soomaaliyeed ee deggan Hiiraan ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali, Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan oo u waramayey barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyey ee Goobjoog News ayaa sheegay in ay heshiis kala dhexdhigeen beello dhowaan ku dagaallamay gobolkaasi.

Waxa uu tilmaamay in sharciyo adag ay kasoo saareen dagaallo kale oo ka dhaca Hiiraan, isaga oo tilmaamay in cid walbo oo dib usoo kicisa dagaal beeleed cadaaladda la horgeyn doono.

“Wuu dhammaaday dagaal beeleed dambe oo ka dhaca gobolka Hiiraan, waxaa ilaahay mahadiis ah inaan is faham kala dhexdhignay beelo ku dagaallamay Galbeedka B/weyne, sidoo kale guddoomiyaha gobolka ayaa ammar ku bixiyey in cid walbo oo dib usoo hurisa dagaal beeleed dambe oo dhaca in maxkamadda ciidamada la saaro cidda ay doontaba ha ahaatee” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan marar badan waxaa kusoo noqnoqdey dagaallo beeleed sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo dagaalladaasi.

Goobjoog News