Maamulka Hirshabelle Oo Caawinaya Shacabka Sh/dhexe Ee La Dagaallamaya Al-shabaab

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gacan ay siin doonaan dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhexe ee bilaabay iney la dagaallamaan Al-shabaab.
Cismaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda maamulkaasi ayaa sheegay in ay fududaaneyso in Al-shabaab laga saaro deegaannada Hirshabelle.
Xadooley ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay iney shacabka dareemaan dhibta Al-shabaab, una bareeraan dagaal fool ka fool ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dowladda dhexe ayuu sheegay in dhankeeda diyaar u tahay caawinta dadka shacabka ah ee la dagaallamaya Al-shabaab, shacabkana laga doonaya in aysan ka niyad jabin dagaalladan.
Macawisleyda Shabellaha Dhexe ayaa Todobaadkii tagey waxay dagala xooggan kaga hortageen Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Aadan Yabaal ee Sh/dhexe.
Goobjoog News