U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Sheegay Iney Ku Howlan Yihiin Maareynta Fatahaadda Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Wasiirka beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa sheegay iney ku howlan yihiin siyaasad lagu maareynayo mashaqooyinka ka yimaada fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Wasiir Muudeey ayaa sheegay in siyaasaddaasi ay uga gol leeyihiin fatahaadaha iyo biyo yarida sanadihii dambe lagu arkay wabiga.

Wuxuu tilmaamay in dadka ka barakacay fatahaadda wabiga ee magaalada Jowhar ka maamul ahaan ay u gurmadeen siina wadi doonan gurmadka.

Xukuumadda iyo umadda Soomaaliyeed ayuu ka codsaday in dadkaasi oo qaarkood yihiin qoysas dan yar ah in ay soo gargaaraan.

“Annaga siyaasadda aan qorsheynayno waa in dadka laga badbaadiyo fatahaadda Wabiga Shabelle, sidoo kalena laga hortago biyo yarida, dadkii shalay saameeyey fataahadda Wabiga waan u gurmannay waana wadeynaa gurmad” ayuu yiri wasiirka.

Wabiga Shabelle ayaa durba fatahaad ka sameeyey magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan xaafadda Horseed ee magaaladaasi.

Goobjoog News