U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Xalinaya Beello Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa maanta la filayaa iney ku baxaan beelo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Calo C/laahi Guudlaawe ayaa sida qorshaha uu yahay gaari doona deegaankaasi.

Wafdigan ayaa wada hadal isugu keeni doona waxgaradka beelaha ku dagaallamay Sh/dhexe, waxayna doonayaan iney la xalliyo wax walbo oo horay halkaasi uga dhacay.

Sidoo kale wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle waxaa ku jira xildhibaanno, siyaasiyiin iyo waxgaradka gobolka Shabellaha Dhexe.

Deegaanka Xawaadley oo ay ku dagaallameen beello walaalo ah waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News