U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Caafimaad Macalimiin Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Magaaladaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Maamulka isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladda caafimaad macalimiin maalin kahor qarax lagula eegtay magaalada Gaalkacyo, kuwaa oo Soomaali iyo Kenyaati isugu jira.

Dr Maxamed Xuseen oo ah agaasimaha Isbitaalkaan ayaa sheegay in Shan ka mid ah Bukaankii ay daweynayeen ay dib ugu celiyeen guryahooda, haatanna ay jiraan macalimiin xaaladooda  ay aad u liidato.

Afar Bukaan ayuu sheegay in hadda Isbitaalka ay jiifaan, waxaana uu tilmaamay in mid ka mid ah daran yahay oo dhanka madaxa wax kasoo gaareyn, halka kuwa kalena ay u badan yihiin adimada iyo dhanka caloosha.

“Waxay ahaayeen Shan ka mid ah dhaawacyo aad u fud fudud, oo dib ayaa loo celiyay, Shan kale ayaa u baahday in isbitaalka ay joogaan, Afar ayaa inoo jiifa Mid ka mid ah ayaana qeybta 1-aad ah oo dhanka madaxa ayaa wax kasoo gaaray, Seddaxda kale wey roontahay” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo.

Maalin kahor ayaa Qarax Miino waxaa lala eegtay Macalimiin Soomaali iyo Kenyaati isugu jira, kuwaa oo wax ka dhigayay Iskull ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Goobjoog News