U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Dhuusamareeb “Dawo Nagu Filan Ma Hayno”

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay san xilligaan Dawo ku filan bukaanada jiifa Isbitaalka iyo sidoo kale kuwa bukaan socodka ah ee maalin walba Isbitaalkaasi Dawo u raadsada.

Axmed Mahdi oo ah agaasimaha Isbitaalka guud ee degmada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Goobjoog News, in isbitaalkaan uu qaabilo bukaanno aad u badan oo ka kala yimaada gobalka Galgaduud iyo sidoo kale dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Dawada ay bixinayeen si lacag la’aan ah, hadii uu yahay bukaanka jiifo ama mid ka socotada ah, balse hadda waxa uu tilmaamay in dawo yari ay soo wajahday.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in hadda ay u baahan yihiin gurmad dawo ah, walibana ay aad uga baahan yihiin Soomaalida qurbaha oo markii horeba dawada bixin jiray.

Dhuusamareeb waa xarunta gobalka Galgaduud, iyadoo Isbitaalka degmadaasi uu yahay midka ugu weyn ee gobalka, maalin walbana ay tagaan bukaanno aad u badan.

Goobjoog News