U bood dhigaalka

Maamulka Isbitalka Carafaat Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Xaaladda Caafimaad Ee Dadkii Ku Waxyeeloobay Biyahii Sumeysnaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

YaaqshiidMaamulka Isbitaalka Caraafaat degmmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, ayaa faah faahin ka bixiyay sida hadda ay tahay xaaladda caafimaad dadkii habeen kahor ku sumoobaay biyo ay Cabeen iyo sida dhaqaatiirta ay ula tacaalayaan dadkaasi.

Agaasimaha Isbitaalkaasi Dr. Axmed Gacal Caraboow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in hadda xaaladda ay ka yara roonyihiin dadka sidii hore, islamarkaana ay daweynayaan.

Waxaa kaloo uu sheegay in shalay Hay’ad lagu magacaabo Samsam ay Isbitaalka deg deg ku keentay Faleebooyin iyo dawooyin shubanka loogu tala galay, isagoona dhanka kale sheegay markii ay arkeen xadiga dadka xanuunsan ay Isbitaalka lacag la’aan ka dhigeen jiifka iyo Daawada Isbitaalka.

“Maadaama Isbitaalka uu ku yaaalo meel ay dadka dhiban degan yihiin, maadaama aan aragnay sida dadka badi ay usoo wada xanuunsadeen, waxaan sheegayaa in Isibitaalka uu lacag la’aan yahay ilaa dadka xanuunsanaya wax looga qabto” agaasimaha Isbitaalka Carafaat ayaa sidaasi u sheegay Goobjoog Fm.

Dad badan ayaa ku sumoobay biyo ay cabeen, kuwaa oo degan xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid, waxaana socda baaritaaan ku aadan sababta keentay taani.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News