U bood dhigaalka

Maamulka Isboortiga Degmada Diinsoor Ayaa Bilaaway Kor U Qaadida Ciyaaraha

Sheeko:Cayaaraha

Degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur Galbeed  waxaa ka iminka ka bilaawaday kor u qaadida ciyaaraha iyo is dhaxgalka bulshada waxaana tartamo kala duwan oo loo qabtay kooxaha ka dhisan diinsoor iska kaa kaashanaya dhallinyaro kala joogta gudaha  iyo dalka dibaddiisa,sida uu Goobjoog Sports u sheegay xogahaya ciyaaraha degmada Diinsoor Maxamuud Maxamed.

Sheekhey Xaaji Yaraay oo horay ugu soo dheelay degmada Diinsoor ayaa ganacstada iyo dadka ka soo jeeda degmada Diinsoor ugu baaqay in la maal geliyo dhallinyarada,lagana taageero dhinaca isboortiga iyo waxbarashada heerarka kala gedisan.

Xoghayaha Ciyaaraha Degmada Diinsoor Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in tartamadii loo qabtay kooxaha ka dhisan Diinsoor,si weyn loogu dareemay dhamaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isagoo u mahad celiyay dadkii gacanta weyn ka geestay qabsoomida ciyaarahan .

Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah dhallinyarada Diinsoor ayaa siiysiinta ka soo jeeda koonfur Galbeed ka codsay in dhallinyarada loo dhiso garoomo casri wuxuuna intaa ku daray in Diinsoor ay ka mid tahay degmooyinka sida weyn loogu qiimeeyo is dhaxgalka bulshada iyo horomarka ciyaaraha.

Bahda isboortiga Koonfur Galbeed ayaa dhiiri geliyay howlaha socda,iyadoo mas’uuliyeenta ugu baaqayn in xoog iyo waqti la geliyo dhallinyarada, si degmada ay gaarto guulo waaweyn.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Ciyaaraha Degmada Diinsoor

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle