U bood dhigaalka

Maamulka Isboortiga Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Oo Soo Xirey Tartan U Socday Kooxaha

Sheeko:Cayaaraha

Mudo bil ah oo degmada Diinsoor uu ka socday tartan u dhaxeeya kooxaha ka dhisa Diinsoor ayna soo qaban qaabiyeen jaaliyada Koonfur Galbeed ee ka soo jeeda dDiinsoor ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana koobkan hantay kooxda Xidigaha oo ka mid aha naadiyada ka dhisan degmada Diinsoor ee Maamul Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Xoghayaha isboortiga degmada Diinsoor Xaamud Maxamuud oo ciyaarta kama dambeysta ka dib la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay mudadii uu socday tartankii is dhaxgalka bulshada iyo nabadda Diinsoor.

Maamulka Degmada iyo taageerayaasha ayaa si weyn u soo dhaweeyay is dhaxgalka dhallinyarada,iyagoo dalbaday in la sii wado barnaamijyadan oo kale.

Xiisaha tartankii kubbadda cagta ee lagu soo gaba gabeeyay Diinsoor ayaa laga dareemay degamada iyo guud ahaa Koonfur Galbeed waxaana guddoomiyaha degmada iyo maamulkiisa ay balan qaaday in ay qaban doonaan tartamo kale oo joogta ah.

Si kastaba waxaa la abaal mariyay kooxihii kaalamaha ka galay tartanka iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay, tartankii loogu magac daray is dhaxgalka bulshada iyo nabadda degmada Diinsoor ee Maamulka Konfur Glb

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tartankii Kubbadda Cagta Diinsoor

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle