U bood dhigaalka

Maamulka Jaamacadda Kismaayo oo Codsanaya in AMISOM ay Ka Guurto Dhismaha Jaamacadda

Sheeko:Dalka

Ilaa iyo intii ciidamad Kenya ay soo galeen magaalada Kismaayo sanadkii 2012-kii waxaa gacanta Jaamacada Kismaayo ka maqnaa dhismihii xarunteeda dhexe ee jaamacadaas ka dib markii ay saldhig militiri ka samysteen ciidama dalka Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Guddoomiyiha Jaamacada Kismaayo Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Xikam oo la hadlayay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaalada dhismaha jaamacada.

“ laga soo bilaabo bishii 9aad,2012 kadib markii ay na duqeeyeen ciidamada ilaa maanta jaamacada xarunteedii duurjoog ayaan ka nahay……. Xeerarka caalamiga ah waxay mamnuuceen in goobo shacab si xoog ah lagula wareego” ayuu yiri.

Goddoomiyihu ka hadlay in ay dadadaalo dheeraad ah u galeen sidii uu dhismaha jaamacadu dib ugu soo laaban lahaa gacanta jaamacada. “ waxaan soo saarnay bayaan iyo baaq aanu leenahay hana looga boxo laakin taasi maysan suurta galin……waxaanu la hadalnay Jubbaland, Dowlada Somaliya ,AMISOM iyo waliba IGAD, arintaas wali waxba kama naasa cadaynin”

Guddoomiyaha Jaamacadu wuxuu sidoo kale baaq uu diray madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya “ baaqanagu waxuu ku wajahanyahay Madaxeynaha dowladda Federalka ah Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ku tirinayno bahda waxbarashada markii jaamacadda Kismaayo la dhisiyay asna waxuu ka shaqaynayay Jaamacada Simad, baaqanu sidoo kale waxuu ku wajahanyhay Maamulka Jubbaland ,AMISOM, IGAD waxaan leenahay beesha caalamka uu dhan mas’uuliyad ayaa ka saaran waxbarshda dalka”

Ma ah markii ugu horaysay ee ciidmado AMISOM ay xarumo waxbarsho ka dhigtaan saldhigyo militiri.

Goobjoog News