Maamulka Jalalaqsi: Waxaan Dilnay 20 Al-shabaab Ah

Maamulka demada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib weerar ay ciidanka DFS ku qaadeen gaari ay la socdeen xubnahan la dilay.

Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in 20 ka mid ah Al-shabaab la dilay, sidoo kalena ay kasoo furteen 18 qori iyo rasaas badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay wadada xiriirisa Buulo-burde iyo degmada Jalalaqsi, ayna jidka u galeen gaari Homey ah oo ay saarnaayeen xubnahan Al-shabaabka ah.

“Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qosheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaana kaga dilnay 20, hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Dabaashe ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab weli dhankiisa wax war ah kama aanu soo saarin dagaalyahannada la sheegay in laga diley iyo hubkan laga qabsaday.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW