U bood dhigaalka

Maamulka Jubba oo Sheegey in Maxkamad La Horkeeni Doono Dad Lasoo Qabqabtay

Sheeko:Dalka

KismaayoXasan Xareed oo ka tirsan maamulka degmada Kismaayo ayaa ka hadlay dad la tuhunsanyahay oo hawlgal lagu soo qabqabtay, wuxuuna sheegey in dadkaasi sharciga la horkeeni doono, lana marsiin doono waxa uu sharciga ka qabo maadaamaa nidaamkii garsoorka maamulka la dhisey.

Wuxuu sheegey in ciidanka ammaanka ee maamulka KMG Jubba howlgallo ay ka sameeyeen magaalada ku gudaheeda lagu soo qab-qabtay dad badan kuwaasoo ciidanka uu gacanta ku hayo.

Wuxuu dadka xusuusiyey in dhawaan maxkamadaha ay bilaabeen shaqadooda, islamarkaasina dil toogasho ah ku xukumeen askari diley ilmo 8 jir ah.

Wuxuu tilmaamay in magaalada ay ka billaabayaan howlgal aan horay loo arag oo ku aadan in aafadaha Kismaayo guri guri ciidanka ay u baraan.

Qorshahan ayuu sheegay inay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Xasan Xareed ayaa intaasi ku daray in ujeedka hawlgalka uu yahay in la aslaaxiyo gudaha magaalada Kismaayo ka hor inta aanan hawlgalada gobolada si rasmi ah loo guda galin. Wuxuu intaasi ku daray in haraadiga Alshabaab ay wali ku suganyihiin magaalada Kismaayo, iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran, loona baahanyahay in laga sifeeyo halkaasi sida uu hadalka u dhigey.

Wuxuu ka gaabsaday in uu sheego xiliga hawlgalada la bilaabayo, isaga oo ku tilmaamay in ay taasi tahay sir militari oo aanan warbaahinta laga sheegin.

Dhageyso

Wuxuuse xaqiijiyey in hawlgalka ay ka wada qeybgalayaan ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM oo dhawaanahan dagaalada kaga haray kuwa maamulka Jubba.

Goobjoog News