U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland iyo Mareykanka oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo  isaga iyo wafdiguusu ay maanta gaareen magaalada xarunta kmg u ah maamulka Jubbaland.

Wafdiga safiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil sare oo ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom, waxaana kulan ay la qaateen madaxweynaha inta badan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha abaaraha.

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay  dhinacyada hormarka, dib u dhiska arimaha gobolka geeska afrika iyo guud ahaan xaaladda dalka. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.
Goobjoog News