U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Galmudug Ugu Baaqday In Wadahadal La Furaan Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wadahadal ula furaan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe si loo xaliyo tabashadooda.

Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu horreysa ee laga doonayo madaxweyne Xaaf ay tahay dib u heshiisiinta.

“Madaxweyne Xaaf waxyaabo badan baa u yaalla, dib u heshiisiintana ay kamid tahay, waxaa laga doonayaa inuu lahadlo Ahlu-sunna, u tago, u tanaasulo, gogol u fidiyo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Galmudug iney soo afjaraan dagaallada sokeeye ee kusoo noqnoqday Mudug iyo sidoo kale arrinta Gaalkacyo.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf waxaa u yaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta dib u heshiisiinta.

Goobjoog News