U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Beledxaawo.

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa war hordhac ah ka soo saaray dagaalka ka socda magaalada beledxaawo ee Gobalka Gedo .

Madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in xalay xilli danbo ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada dowladda , taasna keentay in ciidamada Jubbaland ay iska caabin kala hortagaan Ciidamada Weerarka soo qaadey .

Maxamuud Sayid Adaan ayaa sheegay in qeeyba badan oo ka mid ah magaalada ay gacan ku heyntooda la wareegeen ciidamada Jubbaland .

Saldhigga Degmada iyo Fariismo kale ayuu sheegay in Ciidamada Jubbaland , ciidamada Dowladda ay halkaas geeysay kala wareegeen , welina uu dagaal ka socdo gudaha magaalada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.

Illa iyo Hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , maamulka Jubbaland ayaana ku eedeyay in dagaalka Bilawgiisi ay ka danbeeyen Dowladda Soomaaliya .