U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalkii J/hoose

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ka warbixiyey dagaal xooggan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbland iyo kuwa Kenya ee AMISOM oo is garabsanaya iyo kuwa Al-shabaab oo dhinac ah.

Aar Sheekh Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa warbahinta u sheegay in ciidanka Kenya oo ku wajahnaa deegaanka Taabto ay weerar kala kulmeen kuwa Al-shabaab balse ay u gurmadeen ciidanka Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen askar balse tirada rasmiga ah ma aanu xaqiijin.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa meesha ka saaray inuu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland, waxaana uu beeniyey in dagaalkaasi gaadiid looga gubay sida ay barahooda ku baahiyeen Al-shabaab.

Xaaladda halkii maanta lagu dagaallamay ayaa ah mid deggan, waxaana Al-shabaab ay sheegeen in dagaalkaasi guul ka gaareen.

Goobjoog News