U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland oo Ka Shiray Howlgallada Ka Dhanka ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaannada Jubaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo Kuwa xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 katirsan Khawaariijta Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubbaland inay garab istaagan ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubbaland kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.
Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubbaland.
Goobjoog News