U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo La Kulmay Guddiga Dib U Hishiisiinta Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay guddiga dib u hishiisinta gobalka gedo oo shalay soo gabagabeyay wadahadallo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka.

Guddigan oo uu hor boodayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxweyne kuxigeenka warbixin ka siiyay xogtii ay ka soo aruuriyeen gobalka iyo sidii loo xaliyay khilaafki taagna.

“Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowladd Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolkaa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooya Jubbaland.

Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland.

Goobjoog News