U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Sheegay In Shir Looga Tashanayo Aayaha Soomaaliya Lagu Qabanayo Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan magaalada Kismaayo lagu qaban doono shir looga tashanayo aayaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgali doonaan dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne ku xigeenka in magaalada Kismaayo ay tahay amni aad u buuxa, sidaa darteed lagu qaban doono shirka looga hadlayo aayaha guud ee dalka, oo socon doona 19-ka ilaa 21-ka bishan August

“Wada tashi dheer ka dib waxaa la go’aamiyay in 19-ka ilaa 21-ka bishaan magaalada Kismaayo lagu qabto shirka watashiga ah ee looga hadlayo aayaha guud ee dalka, isuguna imaanayaan dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland.

Shirkaan ayaa ah wejigii Sedaxaad ee midka wada tashiga dowladda iyo maamul gobaleedyada, waxaana wejiyada Koowaad iyo Labaad lagu kala qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa marti gelinaya wejiga Sedaxaad ee shirka, iyadoo Wejiga Afaraad ee Shirkaasi marti gelin doono maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News